Bismillaah,
xaalada caasimada dalka 48saac ee la soo dhaafay oo aad u cakiran Hadii aan ku biiriyo taladeyda dhalinyaronimo
waxaan soo jeedin lahaa in midowga musharixiinta ay u turaan Dastuurka dalka iyo shacabka caasimada oo mudo badan kuso jiray dhibaato hadana ku nool dhex cabsi iyo walwal ay ka qabaan qaraxyada iyo dilalka qorsheysan oo ay so maleegaan argagixisada,
dowladnimada somalia oo aan wali soo gaarin awood ay ku hanato amaanka guud ahaan dalka oo dhan iyo soomaaliya oo aan wali ka heshiinin arimaha siyaasada ma xambaari karto in qalalaaso iyo kacdoon hubeysan oo loo galiyay shaati mudaaharaad nabaeed lagu dhex abaabulo.
Hadaba xukuumada xil gaarsiinta waxaan kula talin lahaa in ay shacabka usoo bandhigaan si ay niyadooda ugu qaboobdo shaqada aad ka haysaan doorashada, si aan loogu habaabinin ama loogu sheegin in ay doorshada dalka wax shaqo ah laga qabanin, amaanka shacabka aad sugtaan si ka qurxan si maanta oo aad cidi awood hubeysan kala hortimaado dowlada lala tiigsado sharciga oo aan shacabka dhexdooda lagu dhex dagaalin.